Dhawrkii sannadood ee la soo dhaafay, miisaaniyadda dowladda federaalka Soomaaliya waxaa ku dhacaayay koror, oo intiisa badan ka imaanayay dhanla kharashyada dowladda ayada oo in yar ama waxba ayna iska baddalin qaabki ama qaybaha ay miisaaniyaddu ka koobnayd. Kharashaatka shaqaalaha dowladda ayaa ah halka ugu badan ay ku baxaan kharashyada dowladda halka qayb aad u yar ee miisaaniyadda lagu kharash gareeyo raasumaalka iyo hantida ma guurtada. Sare u kaca ku yimid miisaaniyadda dowladda waxaa saamayn ku leh arrimo badan sida horumar dhanka siyaadaha canshuurta, kobaca dakhliga gudaha dalka ka soo xarooda, iyo tan ugu muhiimsan oo ah siyaasiyiinta oo kobaca miisaniyadda ugu dhiganyahay astaan waxqabad dowladeed iyo horumar dhanka maaliyadda dowladda. Dhawaan golaha wsiirrada waxa ay ansixiyeen miisaaniyadda 2021 taas oo muujisay sare u kac ilaa 32% halkii sannadkii hore ay ahayd. Sidoo kale, miisaaniyaddii 2020 waxa ay 28% ka sarraysay midda sannadkii ka horreyay. Madaxda dowladda waxa ay ku micneeyeen in miisaaniyadda ay u ballaarinayaan si ay u kordhiyaan kobaca dhaqaale.

Xigasho: Wasaaradda Maaliyadda. Qiimaha lacagta u qoran milyan doolar

Advertisement

Dhaqaaleyahannada iyo siyaasad dejiyeyaashu iskuma raacsana in ballaarinta miisaaniyadeed ay caawinayso ama caqabad ku noqonayso dhaqaalaha. Kuwa u dooda ballaarinta miisaaniyadda waxa ay sheegaan in dowladdu ay awood u yeelanayso fidinta adeegyada bulshada sida waxbarashada, caafimaadka iyo kaabayaasha dhaqaale oo caawinaya habsami u socodka dhaqaalaha. Waxa ay sidoo kale soo jeediyaan in kobaca miisaaniyadeed ay gacmaha dadwaynaha galiso lacag taas oo dardar galinaysa kharashgarayntooda iyo kobaca dhaqaale. Kuwa ka aragtida duwan waxa ay sheegayan in dhiirriggelinta sare u qaadidda kharashgaraynta dadweynaha ay kaliya baddalayso heerka sicirka; ayada oo ka soo wareejinayso hantida gacmihii dadwaynaha (private sector) oo kaga fiican dowladda wax soo saarka wax ku oolka ah una soo wareejinayso gacanta guud (dowladda/public sector). Waxay sidoo kale curiyaaminaysaa dhismaha siyaasado dardar galiya kobaca, waxaana ka dhasha hoos u dhac miisaaniyadeed kaas oo cuslaynaya dib u habaynta maamulka maaliyadda guud (public financial management). Qayb wayn oo ka mid ah miisaaniyadda dowladda waxa ay aaddaa amniga kaas oo aan kordhinayn dakhliga aana horumarinayn habsami u socodka dhaqaalaha. Xogta dhaqaalaha-guud (macroeconomic data) ma taageerayso doodda ah in sare u qaadidda miisaaniyadda ay ka dhalato kobac dhaqaale ama mid ku yimaada wax soo saarka gudaha ee dal is baddal dhab ahna ma sammayso kali mid magac u yaal ah sida is baddalka sicirka, mushaarka iyo qiimaha lacagta.

Tirooyinka hoose waxa ay muhinayaan is-baddallada miisaaniyadda oo lala bar bar dhigay is baddalka kororka halbeegga wax soo saarka gudaha dhabta ah(real GDP)

Xigasho: Xogta IMF Xigasho: Xogta IMF

Sawirradan waxa ay muujinayaan heerarka kobaca miisaaniyadda, heerka kororka halbeegga kobaca wax-soo-saarka gudaha (GDP) iyo heerka sicir-bararka. Miisaaniyadda dowladda federaalka waxa ay ku jirtay sare u kac halka kobaca dhabta ah uuna is baddalin. Kororka miisaaniyadda waxaa bar bar socday sare kac ku yimid heerka sicir bararka taas oo muujinaysa in lacagihii dhaqaalaha lagu soo kordhiyay ay ka qayb qaateen sicir koror ka yimid dalabaadka dadweynaha oo kordhay. Kobacii ugu sarreeyay ee ku yimaada kobaca wax-soo-saarka gudaha ee dhabta ah (real GDP) waxa ay ahayd 2015-kii kaas oo ay ahayda sannadkii ay miisaaniyadda dowladda ugu hooseesay. Xogta lixdii sanno ee ugu dambaysay waxa ay mujinaysaa xiriir ka dhaxeeya kororka miisaaniyadeed iyo sicir bararka, halka xiriir aan sii xooganayn uu ka dhaxeeyo kobaca dhaqaale iyo ballaarinta miisaaniyadeed.

Talo Soo Jeedin Ku Aadan Maamulka Miisaaniyadeed ee Wanaagsan.

Miisaaniyadda dowladdu waxa ay ka matalaysaa siyaasadda maaliyadda lagu hago dhaqaalaha loogana jawaab celiyo dhibaatooyinka dhaqaale waawayn ee dalku waajaho. Haddaba, machadka cilmi baarista Syndicate waxa uu soo jeedinayaa talooyinkan si loogu gudbo miisaaniyad wanaagsan, la saadaalin karo oo xasilloon.

In lagu maamulo miisaaniyadda dowladda hab cad, ammaano leh, lana sii saadaalin karo ayada oo lagu jaan-goynayo mudnaan baahiyaha iyo hiigsiyada istiraatijadeed ee dowladda. Sidoo kale dowladda waa in ay dhistaa hab ama qaab dajinta miisaaniyadeed taas oo awood u leh in si wax ku ool ah ay kaga jawaabto baahiyaha horumarineed ee dalka.

Inta lagu gudo jiro hawlaha miisaaniyad dejinta, maamulka miisaaniyadda iyo fulinta miisaaniyadda in la sameeyo kormeeridda iyo qiimaynta xaaladda dhaqaale ee dalka iyo hawlaha suuqa ayada oo si hoose loo eegayo heerarka sicirka, qiimaha lacagta, kharashgaraynta dadwaynaha. Ka qaybgal loo dhanyahay iyo doodda dhabta ee ku saabsan xulashada qaabka miisaaniyadda waa in ayadana lagu soo daraa hawlaha miisaaniyadda.

Dowladda waa in tixgelin dheeraad ah ay siisaa xasilloonida miisaaniyadda iyo khatarta maaliyadeed ee ka imaan karta kororka miisaaniyadda. Dowladda waa in sidoo kale ay raacdaa habab loogu sare qaadayo tayada saadaalinta miisaaniyadda, qorsheyaasha maaliyadeed iyo fulinta miisaaniyadeed.

Warbixintan waxaa diyaariyey machadka darsaadka ee Syndicate Research Institute. Warbixino oo kale oo dheeri ah waxaad ka heli kartaa syndicate.so

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here