Khabiirka Sky Sports ee Jones Knows ayaa sidii looga bartay sameeyay saadaashiisa toddobaadlaha ah ee horyaalka Premier League iyadoo ay jiraan kulamo xiiso badan oo laga xusi karo Man City v Leicester City iyo Aston Villa v Chelsea.

Aan ku bilawnee Jones Knows ayaa guul u rajeeyay kooxda hoggaaminaysa horyaalka ee Man City waxaana uu qabaa inay si aad u fudud kaga adkaan doonaan Leicester City iyo tababare Brendan Rodgers.

Jones ayaa sidoo kale aaminsan in tababare Antonio Conte uu guul ku hoggaamin doono Tottenham kulanka ay qaabilayaan Crystal Palace.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Kooxda dhawaanahan bandhigyada fiican kusoo jirtay ee Arsenal ayuu khabiirka Sky qabaa inay kasoo adkaan doonaan Norwich City oo kaalmaha horyaalka lagaga dhaadhaco ku jirta.

Kooxda uu qalbi jabka u rajeeyay Jones toddobaadkan ayaa ah Chelsea isaga oo qaba inay barbardhacii saddexaad kulamada horyaalka lasoo geli doonaan Aston Villa taas oo ka dhigan in City hoggaanka siddeed dhibcood kaga qaban doonto xilli kulankii Liverpool oo booska labaad ku jirtana la baajiyay.

Ugu dambayn, Manchester United oo aan in mudo ah ciyaarin kaddib sadhada Korona Fayras oo ka haleeshay ciyaartoyda qaar ayuu qabaa inay Isniinta guul kasoo gaadhi doonaan Newcastle United.

Saadaasha Sky Sports Oo Dhammaystiran

Burnley 1-1 Everton

Man City 3-0 Leicester

Tottenham 2-1 Crystal Palace

Norwich 0-2 Arsenal

West Ham 2-0 Southampton

Aston Villa 1-1 Chelsea

Brighton 1-1 Brentford

Newcastle 0-3 Man United

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan