Paul Merson ayaa saadaaliyay kulamada soo socda ee Premier League oo uu ku jiro kulanka Chelsea iyo Tottenham.
Blues ayaa bar-baro 1-1 ah la gashay Brighton bartamihii todobaadkii hore, ka hor inta ayna guuldaro kala kulmin hogaamiyayaasha horyaalka haatan ee Man City todobaadkii hore.
Kooxda Thomas Tuchel ayaa axada ka hor imanaysa Spurs kulan ka dhicidoona Garoonka Stamford Bridge.
Chelsea ayaa garaacday Spurs labadii lugood ee semi-finalka Carabao Cup horaantii bishaan si ay ugu soo baxaan bandhigga Wembley ee soo socda bisha Febraayo, Merson wuxuu taageerayaa kooxda galbeedka London inay ku badiso 2-0 isbuucaan.
Paul Merson ayaa dhanka kale sheegay in kooxda awood ahaan sii liiceysa ee Manchester United inay bar-baro kala kulmidoonto kooxda West Ham United
Kulamada kale ee Saadaasha ka bixiyay Waxaa kamid ah
Watford 2-0 Norwich
Everton 1-2 Aston Villa
Brentford 0-2 Wolves
Leeds 2-1 Newcastle
Man Utd 1-1 West Ham
Southampton 1-0 Man City
Crystal Palace 1-1 Liverpool
Arsenal 3-0 Burnley
Leicester 2-2 Brighton
Chelsea 2-0 Spurs
Wararka Kale ee Xiisaha Badan
Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda
Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore
Source: dalkaan