Daafaca kooxda Chelsea Toni Rudiger ayaa sheegay in isaga iyo qoyskiisa ay ku faraxsan yihiin London.

Qandaraaska uu ka baxay bishii June, Rudiger ayaa ilaa hadda hakad ku jira inuu heshiis cusub saxiixo isagoo xiiseynaya kooxaha Real Madrid , PSG iyo Bayern Munich .

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Jarmalka ayaa yiri, “Waxaan leenahay wadahadal.

“Wada-hadalladaas waxay noo dhexeeyaan aniga iyo kooxda, taasi waa waxa kaliya ee aad u baahan tahay inaad ogaato. Laakiin aniga iyo Qoskeyga waxaan ku farasanahay London.

“Waxaa jira wax badan oo la isla dhexmarayo lakin aniga waxaan diirada saarayaa kooxda iyo kulamada nagu soo wajahan”.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan