Halyeeyga kooxda Manchester United ee Cristiano Ronaldo ayaa taageeray tababaraha ku meel gaarka ah ee Ralf Rangnick.

Ronaldo ayaa wareysi uu siiyay Sky Sports, isagoo qeyb ka ah muuqaalkooda kulanka soo socda ee Premier League ee ay kooxdiisu la ciyaari doonto Aston Villa Sabtida.

Intii lagu guda jiray wareysiga, Ronaldo ayaa wax laga weydiiyay nasiibka kooxda xilli ciyaareedkan, magacaabista Rangnick, iyo waxa uu filayo inta ka dhiman ololaha.

Dhanka Rangnick, Ronaldo ayaa yiri: “Tan iyo markii uu yimid shan isbuuc ka hor waxa uu bedelay waxyaabo badan, lakiin waxa uu u baahan yahay waqti uu fikradihiisa ku soo bandhigo ciyaartoyda.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

“Waqti ayay qaadanaysaa laakiin waxaan aaminsanahay in uu shaqo fiican qaban doono, waan ognahay in aanan ciyaarin kubada ugu fiican laakiin waxa aan haysanaa kulamo badan oo aan horumar ku samaynayno.

“Tan iyo markii uu yimid waxaan u maleynayaa in dhibcaha qaar aan ka fiicanahay, laakiin wuxuu u baahan yahay waqti, ma fududa in la beddelo maskaxda ciyaartoyda iyo qaabka ay u ciyaaraan, dhaqanka, nidaamka sidaas oo kale ah, waxaan aaminsanahay inuu sameyn doono. shaqo wanaagsan.”

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan