Romelu Lukaku ayaa shaaca ka qaaday inuu ku riyooday inuu ku biiro Barcelona , Real Madrid ama Bayern Munich ka hor inta uusan u saxiixin Chelsea xagaagii hore.

Kooxda heysata horyaalka Yurub ayaa bixisay 97.5 milyan ginni si ay Lukaku ugala soo wareegto Inter Milan suuqii xagaagii hore, laakiin wareysi ayaa hadda soo baxay ayaa sheegaya inuusan ku faraxsaneyn Stamford Bridge.

Qeybtii labaad ee wareysiga Sky Sport Italia ayaa haatan la sii daayay iyadoo Lukaku uu soo jeedinayo inuu doorbidi lahaa inuu u saxiixo Barcelona, ​​Real Madrid ama Bayern haddii uu ka tago Inter.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

28-sano jirkaan ayaa yiri: “Fikir ahaanteyda, waxaa jira seddex kooxood oo heer sare ah oo kubada cagta ah – Real Madrid, Barcelona iyo Bayern Munich. suurtagalnimadaas, waxaan heshiis cusub u saxiixi lahaa Inter ka dibna halkaas aadi lahaa.

Lukaku ayaa tan iyo markaas dhaliyay seddex gool afartii kulan ee ugu dambeysay, laakiin booskiisa kulankii Liverpool ee isbuucaan shaki badan ayaa ku jira.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan