Romelu Lukaku ayaa lagu soo waramayaa in laga saaray kooxda Chelsea kulanka axada ee Premier League ee ay la ciyaarayaan Liverpool.

Tan iyo markii uu ka soo laabtay coronavirus, Lukaku ayaa wacdaro ka dhigaya weerarka Blues, isagoo goolal ka dhaliyay kulamadii ay la ciyaareen Aston Villa iyo Brighton & Hove Albion siday u kala horreeyaan.

Si kastaba ha ahaatee, wareysi la yeeshay toddobaadyo ka hor ayaa waxaa baahiyey Sky Sport Italia halkaasoo Lukaku uu ku sheegay inuusan ku faraxsanayn Chelsea oo uu ku faraxsan yahay ku laabashada Inter Milan.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Isagoo ka hadlayay shirkiisa jaraa’id ee ka hor ciyaarta maalin ka dib, maamule Thomas Tuchel wuxuu ka xumaaday hadalkaasi

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay The Athletic , Tuchel ayaa go’aansaday inuu ka saaro 28 jirkaan shaxdiisa kulanka axada ee Stamford Bridge.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan