Mustaqbalka labada ciyaaryahan ee Liverpool Roberto Firmino iyo Sadio Mane ayaa lagu soo waramayaa inaan la hubin marka uu dhamaado qandaraasyada ay haatan kula jiraan.

Labada ciyaaryahan ayaa lagu wadaa inay arkaan heshiisyadooda haatan xagaaga 2023, sidoo kale weeraryahanka kale ee Mohamed Salah ayaa isna shaki ku jiraa .

Inta badan kooxda waxay xooga saareysaa Salah, kaasoo lagu soo waramayo inuu diidan yahay inuu ka tago mushaarkiisa, laakiin Firmino iyo Mane ayaa sidoo kale laga yaabaa inay kooxda ka tagaan 18 bilood gudahood.

The Athletic ayaa sheegeysa in Liverpool aysan wali go’aansanin inay labada ciyaaryahan u soo bandhigaan heshiisyo dheeri ah iyo in kale, halka ciyaartoyda laftooda ay diidi karaan dalab kasta haddii ay yimaadaan.

Labada ciyaaryahan ayaa 31 jir noqon doona marka uu qandaraaskooda haatan dhamaado, Liverpool ayaana si isa soo tareysa loola xiriirinayaa weeraryahanada da’da yar si ay u bedelaan seddexda hore ee weerarka.

Barcelona ayaa lagu qiimeeyay xiisaha ay u qabto Firmino hadii ay Liverpool go’aansato in ay lacag kaash ah ku hesho xiddiga reer Brazil ka hor inta uuna dhamaan heshiiskiisa inkasta oo ayna jirin fursad uu heshiis ku dhaco January.

Firmino iyo Mane ayaa Liverpool u saftay 553 kulan, iyagoo u dhaliyay 201 gool, caawiyeyna 116 kale.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan