Weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa lagu soo waramayaa inuu si aad ah u doonayo inuu ka ciyaaro Premier League ama La Liga, waxaana uu riixi doonaa inuu u dhaqaaqo xagaagan.

33-sano jirkaan ayaa jabiyay rikooro badan oo dhanka gool dhalinta ah intii uu ku sugnaa Allianz Arena, isagoo dhawaan jabiyay rikoorkii Gerd Muller ee goolasha ugu badan ee Bundesliga sanad gudihiis.

Lewandowski ayaa dhaliyay 43 jeer kaliya 34 kulan oo heerka sare ah sanadka 2021, laakiin waxaa lagu soo waramayaa inuu raadinayo tartan cusub dhamaadka ololaha hadda.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Xidigan u dhashay Poland ayaa Xiiso ka helaya kooxaha Manchester City , Chelsea , Manchester United , Liverpool , Barcelona iyo Real Madrid , warbaahinta Sky ee Germany ayaa sheegeysa in inuu u furan yahay inuu ku biiro kooxda Premier League ama La Liga.

Bayern ayaa dooneysa inay qandaraas cusub ka saxiixdo xiddigeeda, iyadoo qandaraaskiisa haatan uu dhacayo 18 bilood ka dib.

Lewandowski ayaa dhaliyay 30 gool 25 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan, waxaana uu ku faanaa 324 gool iyo 68 caawin 354 kulan oo uu u saftay Bayern guud ahaan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan