Tababarihii hore ee kooxda Real Madrid Zinedine Zidane ayaa diyaar u ah in uu Mauricio Pochettino ka badalo kooxda PSG .

Taasi waa sida uu qabo khabiirka Faransiiska Daniel Riolo, mar uu la hadlayay After Foot..

Khabiirka RMC ayaa shaaca ka qaaday in Zidane uu noqon doono tababaraha kooxda Paris “ugu dambayn June”.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Riolo ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in aan meesha laga saari karin in Zizou uu tababare u noqon doono Kylian Mbappé xilli ciyaareedka soo socda, sidaas darteed ma uusan si rasmi ah u xirin suurtagalnimada in weeraryahanka uu qandaraaska u cusbooneysiiyo.

“Zidane waxa uu noqon doonaa tababaraha PSG ugu dambayn June,” ayuu yidhi.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan