Daafaca kooxda Chelsea ee Reece James ayaa lagu soo waramayaa in la filayo in uu garoomada ka maqnaado labada bilood ee soo socota sabab la xidhiidha dhibaato muruqa ah oo uu ka soo gaadhay kulankii Brighton & Hove Albion.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka England ayaa ka baxay kulankii Arbacadii ay barbaraha 1-1 la galeen Seagulls, isagoo dhaawac ka soo gaaray muruqa.

Sida laga soo xigtay Daily Mail , daafaca midig uma baahna in qaliin lagu sameeyo arrintan, laakiin wuxuu garoomada ka maqnaan doonaa labada bilood ee soo socota, sababtoo ah dhibaatada daran.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

James waxa uu u ahaa ciyaaryahan muhiim u ah Chelsea intii lagu jiray ololihii 2021-22, isagoo u saftay 23 kulan tartamada oo dhan, waxa uu ka qayb qaatay shan gool iyo lix caawin.

22 jirkan ayaa xilli ciyaareedkan qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay horyaalka Premier league isaga oo dhaliyay 4 gool sidoo kale caawiye ka noqday 5 gool 16 kulan oo uu saftay.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan