Marco Asensio ayaa tababar ku qaatay garoommada ka baxsan xerada Real Madrid Arbacadii, iyadoo ciyaaryahanka reer Spain uu ka soo kabtay dhibaato muruqa ah.

Weeraryahanka ayaa seegay seddexdii kulan ee ugu danbeysay ee kooxdiisu ay ciyaartay xaalad muruqa ah oo soo gaaray intii lagu jiray semi-finalka Super Cup-ka Spain oo ay la ciyaareen Barcelona 12kii Janaayo.

Si kastaba ha ahaatee, Asensio ayaa ku soo laabtay garoonka tababarka Arbacadii, sida laga soo xigtay Marca , waxaa laga yaabaa inuu diyaar u noqdo kulanka sideed dhamaadka Copa del Rey ee Athletic Bilbao 3da Febraayo.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Spain ayaa tabarkiisa bilaabay halka Karim Benzema , Luka Modric , Ferland Mendy , Dani Carvajal , Thibaut Courtois iyo Mariano Diaz lagu sheegay inay tabaranayaan gudaha xarunta.

Asensio ayaa u ahaa ciyaaryahan muhiim u ah Real Madrid intii lagu jiray ololahan 2021-22, isagoo dhaliyay 7 gool, islamarkaana caawiye ka ahaa hal gool 23 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

26-sano jirkaan ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Bernabeu xagaagii lasoo dhaafay, lakiin waxa uu dhawaan ka shaqeeyay sidii uu dib ugu soo laaban lahaa kooxda isagoo hogaaminaya tababare Carlo Ancelotti .

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan