Real Madrid ayaa ku dhawaaqday inay kooxdeeda laga helay shan kiis oo cusub oo Coronavirus ah, iyadoo afar ciyaartoy iyo mid ka mid ah shaqaalaha laga helay.

Los Blancos ayaa Arbacadii shaaca ka qaaday in Luka Modric iyo Marcelo ay geli doonaan waqti gooni-gooni ah, ka dib markii laga helay fayraska garoonka tababarka kooxda.

Hogaamiyayaasha La Liga ayaa haatan xaqiijiyay in ciyaartoyda kooxda koowaad ee Marco Asensio , Gareth Bale , Andriy Lunin iyo Rodrygo laga helay corona marka lagu daro caawiyaha tababare Davide Ancelotti .

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

“Real Madrid CF waxa ay warinaysaa in ciyaartoygeena Asensio, Bale, Lunin iyo Rodrygo, iyo kaaliyahayaga farsamada ee Davide Ancelotti laga helay COVID-19,” ayaa lagu yidhi bayaan la soo dhigay website-ka rasmiga ah ee kooxda.

Los Blancos ayaa lagu wadaa in ay sii wadato ololaheeda La Liga Axada marka ay la ciyaaraan Cadiz, laakiin kulanka ayaa laga yaabaa inuu shaki ku jiro haddii uu cudurku sii xumaado.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan