Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in loo sheegay in Real Madrid ay ku qiimeyso Eduardo Camavinga 45 milyan ginni iyadoo la soo jeedinayo in ciyaaryahanka khadka dhexe uu ka tagi karo Bernabeu xagaagan.

19-sano jirkaan ayaa kaliya Los Blancos kaga soo biiray Rennes bishii August ee lasoo dhaafay, waxaana uu 20 kulan u saftay kooxda Carlo Ancelotti xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay hal gool.

Waxaa dhawaanahan jiray warar la isla dhexmarayay oo ku saabsan mustaqbalkiisa, in kastoo, da’yarta la sheegay in uu ka niyad jabay bilaawgiisa intii lagu jiray ololaha 2021-22.

Sida laga soo xigtay El Nacional , Camavinga ayaa durba ka fiirsanaya inuu ka tago caasimada Spain, waxaana lagu wargaliyay inuu xiiso ka helayo Premier League gaar ahaan Liverpool.

Luka Modric , Toni Kroos iyo Casemiro ayaa haatan Camavinga ka horjoogsanaya inuu boos joogto ah ka helo khadka dhexe ee Real Madrid.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan