Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay ku soo baxday kooxda ugu cad-cad saxiixa daafaca kooxda chelsea ee Antonio Rudiger marka la gaaro xagaaga.

Iyadoo xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka uu weli yahay qayb muhiim ah oo ka tirsan kooxda Blues ee u tartamaya Premier League iyo Champions League, waxa qandaraaskiisa ka harsan lix bilood iyo bar.

Chelsea ayaa dooneysay inay heshiis cusub la gaarto 28 jirkaan dhowr bilood laakiin waxay ku guuldareysatay inay gaaraan go’aan wanaagsan.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Sida laga soo xigtay The Guardian , madaxda Chelsea ayaa isku khilaafay in ay ka soo baxaan dalabaadka qandaraaska ee Rudgier, oo la sheegay in uu ku kacayo 200,000 oo gini todobaadkii.

Dhanka kale kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay ku faraxsantahay in ay u gacan galiso daafacan qaab ciyaareedka fiican ku jira iyaga oo doonaya in ay ka faa’idaystaan ​​xiddigan oo ay suurtogal tahay in lagu heli karo beeca xorta ah.

Rudiger waxa uu si rasmi ah ugala hadli karaa oo uu heshiis hordhac ah la geli karaa koox kasta oo ajnabi ah sida ugu dhakhsaha badan Janaayo 1.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan