Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay sare u qaaday baacsiga ay ku doonayso xidiga kooxda Monaco ee Aurelien Tchouameni .

22 jirkaan ayaa si weyn loo filayaa inuu ka tago kooxdiisa Ligue 1 inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan, Chelsea ayaa si xoogan loola xiriirinayay xiddiga heerka caalami ee dalka France dhowr bilood.

Blues ayaa loo maleynayay inay tahay kooxda ugu cadcad ciyaaryahanka khadka dhexe, laakiin sida laga soo xigtay SoyMadridista , Real Madrid ayaa dardar galisay dadaalkeeda ku aadan keenista Bernabeu.

Warbixinta ayaa sheegeysa in madaxa indha-indheynta kooxda Isbaanishka Juni Calafat uu u duulay Monaco si uu wadahadal ula yeesho wakiilada Tchouameni si ay ugala hadlaan bedelka xagaagan.

Real Madrid ayaa lagu xamanayaa inay haatan hogaanka u hayso doonista xidigan khadka dhexe ka dheela, iyadoo maamulaha Los Blancos Carlo Ancelotti uu ku tilmaamay inuu yahay bartilmaameedka ugu horreeya ee suuqa kala iibsiga ka hor xilli ciyaareedka 2022-23.

Tchouameni ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku qaadanaya kooxda Monaco xilli ciyaareedkan isaga oo 31 kulan u saftay tartamada oo dhan halka uu sidoo kale noqday xiddig muhiim u ah France tan iyo markii uu kulankiisii ​​ugu horeeyay u saftay xulka qarankiisa bishii September ee la soo dhaafay.

Real Madrid ayaa lagu xamanayaa in ay aaminsantahay in xiddiga reer France uu noqon karo badalka mustaqbalka fog ee Casemiro.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan