Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay dalab 42 milyan ginni ah ka gudbisay garabka Paris Saint-Germain Kylian Mbappe suuqa kala iibsiga ee bishaan.

23-sano jirkaan qandaraaskiisa Parc des Princes ayaa dhacaya dhamaadka xilli ciyaareedkan, taasoo la micno ah in PSG ay halis ugu jirto inay bilaash ku weyso xagaaga xiddigeeda reer France.

Si kastaba ha ahaatee, Los Blancos ayaa dooneysa inay si dhaqso ah u hesho Mbappe ka dib markii laga soo diiday dalab 150 milyan ginni ah xagaagii hore, hogaamiyaasha La Liga ayaa laga yaabaa inay bartilmaameedkooda ku helaan qiimo jaban.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Marca ayaa ku warameysa in wakiilka kubada cagta Giovanni Branchini uu sheegay in Real Madrid ay haatan dib ugu laabatay PSG dalab kale oo ku kacaya 42 milyan ginni, iyadoo PSG ay cadaadis ku saartay inaysan waxba ku lumin Mbappe dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Florentino Perez ayaan wali ka quusan baacsiga uu ugu jiro Mbappe kaas oo xili hore muujiyay rabitaankiisa ah in uu u ciyaaro kooxda Real Madrid, wuxuuna doonayaa in uu la soo saxiixdo xiddiga heerka caalami ee dalka France ka hor inta ayna Los Blancos wajihi doonin PSG tartanka Champions League 16 ka bisha soo socota.

Mbappe ayaa 150 gool u dhaliyay kooxda PSG kadib markii uu 18-daqiiqo saddexley ka dhaliyay Vannes kulankii ugu dambeeyay ee Coupe de France

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan