Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in aysan ka walaacsanayn soo jeedinta ah in Kylian Mbappe uu heshiis cusub oo waqti gaaban ah u saxiixi doono kooxda Paris Saint-Germain mustaqbalka dhow.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa qandaraaskiisa PSG uu dhacayaa dhamaadka bisha June, waxaana si weyn loo filayaa in Real Madrid ay ku keento Bernabeu, iyadoo beeca xorta ah lagu heli karo.

Warbixin dhawaan soo baxday ayaa lagu sheegay in PSG ay kala xaajoonaysay xiddiga ku guulaysta koobka adduunka heshiis kordhin hal ama laba sano ah.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Marca , Real Madrid ayaan ka walaacsanayn wararka la isla dhexmarayo, waxayna weli kalsooni ku qabaan in tallaabadan ay dhici doonto ka hor ololaha 2022-23.

23 jirkaan ayaa qaab ciyaareed heer sare ah ku soo bandhigaya kooxda PSG inta lagu guda jiro xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay 18 gool, waxaana loo diiwaan geliyay 15 caawin 26 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan