Daafaca reer Jarmal ee Matthias Ginter ayaa daaha ka qaaday inuu beeca xorta ah kaga tagi doono kooxda Borussia Monchengladbach marka uu heshiiskiisu dhaco bisha June ee soo socota.

27-sano jirkaan ayaa 165 kulan u saftay Monchengladbach tan iyo markii uu kaga soo biiray Borussia Dortmund bishii Luulyo 2017.

Real Madrid iyo Barcelona ayaa labadaba loo aqoonsaday inay xiiseynayaan daafaca dhexe, kaasoo 46 jeer u saftay xulka qaranka Jarmalka.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Ginter waxa uu sheegay in uu qaatay go’aanka ah in uu daaq u raadiyo koox cusub “ka dib muddo dheer”.

“Kadib muddo dheer oo feker ah, waxaan go’aansaday inaanan cusbooneysiin qandaraaskeyga kaas oo soconaya ilaa xagaagan,” Ginter ayaa ku soo qoray Instagram.

Barcelona ayaa la rumeysan yahay inay u aragto Ginter saxiixa ugu fiican ee jaban marka loo eego dhanka dhaqaalaha, halka Real Madrid ay sidoo kale u muuqato inay dooneyso inay horumariso doorkeeda daafaca xilli ciyaareedka soo socda, iyagoo waayay Raphael Varane iyo Sergio Ramos xagaagii hore.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan