Real Madrid ayaa barbaro 0-0 ah la gashay kooxda yar ee Cadiz natiijadaas oo niyada u dhisaysa kooxaha doonaya inay Los Blancos kula tartamaan hanashada horyaalka La Liga.

Wiilasha Carlo Ancelotti ayaa rajaynayay in ay sii dheeraystaan ​​guulaha ay ku hayaan horyaalka heerka kowaad 8-kulan laakiin waxa ay ku fashilmeen in ay si fiican uga faa’iidaystaan ​​guusha garoonka Santiago Bernabeu.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa aheyd mid caajis iyo niyad jab ka muuqday iyada oo Madrid lagu doodi karo in ay abuurtay hal fursad oo kaliya.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Madrid ayaa markii danbe cadaadis sameysay, iyadoo Benzema uu labo jeer u dhawaaday shabaqa,  kooxda Cadiz ayaase ka tagay caasimada iyagoo helay hal dhibi oo muhiim ah.

Imtixaan adag ayaa sugaya Madrid Arbacada marka ay aadayaan Athletic Bilbao, Cadiz ayaana ciyaaridoonin ilaa sanadka cusub markaasi oo la ciyaarayaan kooxda Sevilla.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan