Xidiga reer Tamil ee door kasto sameyn karo Vishal balse looga haray dhanka Action-ka iyo xarakeynta ayaa ugu dambeyntii taageerayaashiisa ka farxiyay madaama uu shaaca ka qaaday waqtiga rasmiga ah ee la daawan doono filimkiisa in mudo ah la wada sugaayay ee lagu magacaabo Chakra.

Advertisement

Filimka Chakra qorshaha wuxuu ahaa sanadkii hore in al daawado balse saameyntii karoonaha ayaa keentay mashruucan daawashadiisa in dib loo dhigo sidoo kalena Vishal wuxuu iska diiday mashruucan inuu iibiyo si OTT ama Online ahaan loo daawado, madaama hadda tiyaatarada 100% dib loo furay filimkan waqtigiisa ayaa lagu dhawaaqay ee la daawanayo.

Vishal iyo kooxdiisa filimka Chakra waxay ku dhawaaqeen in mashruucan la daawan doono 19-ka bishan Febraayo waxayna ka dhigan tahay filimka labaad oo Tamil ah oo atoore awood badan jilaayo in sanadkan gudihiisa tiyaatarada la saarayo madaama filimkii Master ee Vijay hogaamiye ahaa kaasi oo la daawaday 13-kii bishii Janaayo Hit weyn noqday.

Filimka Chakra Vishal waxaa ku wehliyaan labada atirisho ee aan kala dhicin Shraddha Srinath iyo Regina Cassandra halka MS Anandan uu agaasimayo waana markii ugu horeesay oo uu filim Director ka noqdo wuxuuna mashruucan ka hadlaa dambiyada lagu galo adeegsiga Internet-ka ayadoo xogaha dowlada iyo kuwa rayidka la dhacaayo wuxuuna Vishal ku jilaa askari loo xil saaray dambiyada noocaas ah inuu ka hortago.

Filimka Chakra waxaa lagu daawan doonaa luqadaha Tamil iyo Telugu waxaan sugnaaba waa 19-ka bishan in tiyaatarada lasoo saaro mashruucan Action-ka iyo qayaanada isku jiro ah. Fadlan hoos ka daawo goos goos xiiso badnaa oo filimkan looga soo bandhigay:

[embedded content]

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here