Superstar-ka reer Tamil ee awooda badan Rajinikanth oo Soomaalida u taqaano inta badan Jeestoole wuxuu si rasmi ah shaaca kaga qaaday filimkiisa xiga ee la wada sugaayo Annaatthe xiliga la daawan doono madaama mashruucan haatan shaqadiisa gabo gabo tahay waana filim siweyn loo wada sugaayo.

Advertisement

Filimka Annaatthe waxaa maal galineyso shirkada Sun Pictures waxaana lagu dhawaaqay in feestada Diwali ee dabyaaqada sanadkan ku beegan in la daawan doono taasi oo ka dhigan 4 November 2021 in filimkan xiisaha badan ee Rajinikanth ku xarakeyn doono tiyaatarada la saari doono.

Filimka Annaatthe waxaa Director ka ah Siva oo halka Nayanthara atirisho kowaad ka tahay sidoo kalena waxaa doorar muhiim ah mashruucan ku leh Khushbu, Meena, Keerthy Suresh, Prakash Raj iyo Soori waana filim Action iyo fariinta arimaha qoyska oo qiiro badan xambaarsan.

Rajinikanth filimkiisii ugu dambeeyay wuxuu ahaa Darbar oo sanadkii hore la daawaday waxaana kula jiray Suniel Shetty oo laadar ka ahaa asigoo ku jilaayay askari mayal adag oo xarakeenyo wuxuuna noqday mashruucan HIT weyn asigoo ganacsi balaaran oo 250 Crore ka sameeyay gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here