Suldaanka reer Telugu Mahesh Babu isagana ugu dambeyntii wuxuu warbaahinta la wadaagay waqtiga rasmiga ah ee filimkiisa weyn Sarkaari Vaari Pata (SVP) la daawan doono xili haatan duubista filimkan jadwalka ugu muhiimsan magaalada Dubai ka socoto.

Advertisement

Filimka SVP wuxuu Suldaan Mahesh Babu kasoo bandhigay kaartada sare idin kaga muuqato oo ah asigoo furayaal farabadan gacanta ku sita balse sirta ku hoos duugan kaliya waxaa la ogaan karaa marka mashruucan tiyaatarada la saaro waxaana daawashadiisa lagu beegay feestada Sankaranthi 2022 ama todobaadka ugu horeeyo sanadka dambe 2022.

Mahesh filimka SVP isaga ayaa soo saare ka ah wuxuuna doortay feestada muhiimka ah Sankaranthi 2022 ayadoo la wada xasuusto sanadkan bilawgiisii feestada Sankaranthi ee todobaadka labaad Janaayo ku beegneed filimadii tiyaatarada la saaray inay guulo waa weyn gaareen sida Krack, Master iyo Red waxaana lagu kalsoon yahay in Suldaanka isaga tiyaatarada qabsan doono horaanta sanadka dambe.

Filimka Sarkari Vaari Pata (SVP) waxaa Director ka ah Prasuram oo ku caan baxay sameynta filimkii Geetha Govindam ee Vijay Devorakandi lagu amaanay kaasi oo Blockbuster taariikhi ah noqday wuxuuna filim sameeyahan sheegay in Mahesh siweyn kaga helay sheekada uu la wadaagay hubaal ahaana daawadayaasha ka wada heli doonaan.

Filimka SVP waxaa atirisho kowaad ka ah Rashmika Mandana oo Mahesh Babu lamaantiisa ku jileyso balse mashruucan wax badan lagama ogo fariin ahaan waxa uu ku saabsan yahay ayadoo Mahesh iyo kooxdiisa filimkan rabaan inaan wax badan laga ogaanin oo fariintiisa daawadayaasha kaga yaabsadaan marka tiyaatarada la saaro sida ay qorsheenayaan feestada Sankaranthi 2022 ama todobaadka labaad bisha Janaayo 2022.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here