Ugu dambeyntii Suldan Mahesh Babu ayaa maanta si rasmi ah duubis ugu bilaabay filimkiisa Sarakaru Vaari Paata sidoo kalena soo saare uu ka yahay waxaana la qorsheenaa lixda bilood dambe ee sanadkan in la daawado madaama Mahesh sanadkii hore horaantiisa hal filim la imaaday saameyntii karoonaha awgeed sidoo kalena Suldaan-ka taageerayaashiisa xiiso weyn u qabaan.

Advertisement

Filimka Sarakaru Vaari Paata waxaa atirisho kowaad ka ah Keerthy Suresh sidoo kalena maanta mashruucan waxay duubistiisa si rasmi ah kaga bilaabatay magaalada Dubai ayadoo Mahesh iyo Keerthy jadwalka kowaad shaqada filimkan soo xaadireen waxayna shaqadiisa Dubai socon doontaa mudo 4-todobaad ah sida la qorsheenayo.

Filimka Sarakaru Vaari Paata shaqadiisa waxyar ayaa sanadkii hore laga qabtay saameynta karoonaha awgeed balse haatan ayaa inta badan shaqadiisa la qaban doonaa waxaana Director ka ah Parasuram oo ku caan baxay sameyntii filimka Blockbuster-ka weyn noqday Geetha Govindham oo sanadii 2018 la daawaday waxaana wada jileen Vijay Devarakonda iyo Rashmika Mandanna.

Waxaan sugnaaba waa macluumaadka filimka SVP in Mahesh soo bandhigo madaama aan wax badan laga ogeyn filimkan waxa uu ku saabsan yahay balse waa hubaal in Suldaan-ka la imaan doono fariin maangal ah sidoo kalena xarakaad iyo mada daalo dhameestiran leh sida looga bartay, waxaana wada ogeyn filimkiisii ugu dambeeyay Sarileru Neekevvaru ee horaantii sanadka hore la daawaday inuu Blockbuster weyn noqday.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here