Filimka weyn Adipurush ee Prabhas hogaamiye ka yahay sidoo kalena Saif Ali Khan laadar ka yahay maanta ayay si rasmi ah duubistiisa u bilaabatay waxayna ka dhigan tahay in Prabhas isku dul duubayo labadiisa filim la wada sugaayo Adipurush iyo Salaar.

Advertisement

Filimka Adipurush duubistiisa waxay ka bilaabatay magaalada Mumbai waxaana Director ka ah Om Raut oo ku caan baxay filimkii Tanhaji kaasi oo Blockbuster weyn noqday horaantii 2020 waxaana hogaamiye ka ahaa Ajay Devgn halka Saif Ali Khan laadar ka ahaa.

Filimka Adipurush waxaa ku dagaalami doonaan Prabhas oo samaanta u adeegayo iyo Saif Ali Khan oo xumaanta hormuud u ah waana filim si caalami ah lo sameenayo ayadoo aalada VFX inta badan la adeegsan doono waxaana la sheegay in miisaaniyad culus xambaarsan yahay filimkan weyn oo qorshihiisa yahay in la daawado 11 August 2022.

Waxaa la isla dhex maraa atirishada Kriti Sanon in Adipurush ku jileyso Prabhas lamaantiisa balse weli si rasmi ah arinkaan looma xaqiijinin waxaana mashruucan isla maal galinayaan shirkada T Series iyo Director Om Raut ayadoo la aaminsan yahay in lacago fara badan lagu qarash gareenayo.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here