Xidiga la wada jecel ee door kasto sameyn karo Nithin filimkiisii ugu dambeeyay Bheeshma wuxuu noqday Blockbuster weyn kaasi oo horaanti 2020 la daawaday haatan Nithin wuu soo laabtay waxaana u diyaarsan filimka Check ee Action-ka, qayaadana, arimaha dambiyada iyo cayaarta jeeska ka hadlaayo.

Advertisement

Filimka Check daawashadiisa hal todobaad ayaa dib loo dhigay waxaana mashruucan reer Telugu iska leeyihiin la daawan doonaa 26-ka bishan Febraayo waxaana Nithin filimkan la jilayaan labada atirisho ee aan kala dhicin Rakul Preet Singh iyo Priya Prakash.

Nithin ayaa udub dhexaad u ah sheekada filimkan madaama xabsi la galinaayo asigoo wax dambi ah galin sidoo kalena aad ugu xeel dheer cayaarta jeeska waxaana garab siineyso Rakul Preet Singh oo abuukaate ah kuna dadaaleyso sidii ay banaanka u keeni laheyd.

Filimka Check waxaa Director ka ah Chandrasekhar Yeleti waxaana siweyn looga wada helay goos gooska xiisaha badan ee filimkan laga soo bandhigay oo dabyaaqada bishan Febraayo gaar ahaan 26-keeda tiyaatarada Koonfur Hindiya la saari doono fadlan hoos ka daawo adigaa ka heli doontid hubaal ahaan Nithin iyo bandhigiisa:

[embedded content]

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here