Atooraha reer Telugu ee la wada jecel yahay Gopichand iyo xidigta fanka Hindiya oo idil ka dhaxeyso Tamannaah Bhatai filimkooda fariinta Sports-ka iyo Action-ka xambaarsan Seetimaarr shaqadiisa gabo gabo ayay ku dhow dahay waxayna kooxda filimkan haatan shaaca ka qaadeen xiliga rasmiga ah ee la daawan doono.

Advertisement

Filimka Seetimaarr waxaa tiyaatarada la saari doonaa 2 April 2021 waana filim siweyn loo wada sugaayo oo uu Gopichand ku jilaayo macalin koox cayaarta Kabaddi cayaarto garab siinayo oo reer Telugu ah iyo caqabadaha ay la kulmayaan waxaana filimkan Director ka ah Sampath Nandi.

Soo saare Srinivasaa Chhitturi ayaa warbaahinta u sheegay in filimka Seetimaar haatan uultimadiisa ama qaybihiisa ugu dambeeyo la duubayo sidoo kalena bisha Febraayo goos goos kooban laga soo bandhigi doono kadibna tiyaatarada 2 April 2021 lasoo saari doono mashruucan xiisaha badan.

Filimka Seetimaarr sidoo kale waxaa door muhiim ah ku leh atirishada Bhumika Chawla halka jilaayaasha kale  Posani Krishna Murali, Rao Ramesh, Rehaman, and Tarun Arora iyagana doorar caawiye ah ku matali doonaan mashruucan xiisaha badan oo lagu kalsoon yahay inuu Boxoffice-ka wacdaro ka dhig doono horaanta bisha 4-aad ee sanadkan marka tiyaatarada la saaro.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here