Aqbaarta ugu weyn fanka Hindiya ayaa maanta shaaca laga qaaday kuna aadan filimka weyn ee qof walbo sugaayo RRR waqtiga rasmiga ah ee la daawan doono waxaana mashruucan hogaamiyaal ka ah Ram Charan iyo Jr. NTR halka Ajay Devgn iyo Alia Bhatt doorar muhiim ah ku leeyihiin.

Advertisement

Director SS Rajamouli oo ku caan baxay sameynta Bahubali labadiisa qeybood asiga iyo kooxdiisa filimka RRR waxay ku dhawaaqeen in mashruucan la daawan doono 13 October 2021 ama dabyaaqada sanadkan weliba waxaa lagu beegayaa daawashada filimkan xili feestada Dusera Hindiya oo idil ka jirto macaash weyna mashruucan sameyn karo.

RRR haddii la daawanayo 13 October waxay ka dhigan tahay filimkan maalin Arbaco ah ayaa daawashadiisa lagu beegi doonaa wuxuuna heli doonaa 5-maalmood oo nadiif ah weliba labo maalmood fasaxyo jiraan halka Sabti & Axad-na ganacsi weyn sameyn karo sidaa darteed waa talaabo ay in badan ka fiirsadeen kooxda filimkan si mashruucan Hindiya oo idil uu u gil gilo ganacsi taariikhi ahna u sameeyo.

Filimka RRR haatan duubistiisa dhamaadka mashruucan ama uultimada ayaa socoto ayadoo Ram Charan iyo NTR ku matalayaan labo dagaal yahan oo halgamaa ah lana dagaaleen gumeysigii Ingiriiska ee Hindiya awooda ku heesteen xiligii 1920-aadkii sidoo kalena waxaa garab siin doono Ajay Devgn ayadoo lagu kalsoon yahay Director SS Rajamouli fariintiisa inay tahay mid caalami ah oo caalamka oo idil laga soo dhaweyn doono.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here