Inaba caadi ma ahan xidiga fanka Telugu ama Tollywood ku cusub Vaishnav Tej oo la dhashay atooraha caanka ah Sai Dhara Tej ayaa fanka Telugu qabsaday madaama filimkiisa Uppena maalinta kowaad bilaabasho taariikhi ah la yimid filim atoore fanka Tollywood ku cusub ka bilaabasho wanaagsan majiro mahsruuca Uppena sida haatan shaaca laga qaaday.

Advertisement

Shabakada Andhra Boxoffice (ABO) oo arimaha ganacsiga aflaanta Telugu ka hadasho ayaa si rasmi ah u xaqiijisay in filimka Uppena maalintiisa kowaad dhul weynaha Telugu kasoo xareeyay 13.30 Crore canshuurta ka hor sidoo kalena saami ahaan qolyaha cajaladaha qeybiyaan waxay ka heleen 9.30 Crore waa filimka ugu bilaabashada wanaagsan taariikh ahaan fanka Telugu ee atoore filimkiisa kowaad bilaabashadan taarikhiga ah la imaado.

Sidoo kale filimka Uppena ganacsigiisa dibad iyo dal marka la isku daro qiyaasta xili hore waxay muujinee inuu soo xareeyay ganacsi u dhaxeeyo 14 Crore ilaa 15 Crore taasi oo ka dhigan maalinta kowaad inay qolyaha cajaladaha qeybiyaan filimkan dib kaga heleen 10 Crore waxayna ka dhigan tahay 50% lacagaha lagu iibsaday filmkan hal maalin ayuu kusoo celiyay madaama 20 Crore lagu iibsaday waana hubaal marka uu dhameesto sedexdiisa maalmood ugu horeyso HIT dhameestiran inuu filimkan noqon doono.

Hambalyo ayaan leenahay Vaishnav Tej oo bilaabasho taariikhi ah iyo saameyn aan dhawaanahan la arag fanka Telugu ama Tollywood lasoo galay, waana idinla wadaagi doonaa wax walbo oo kasoo kordho filimkiisa Uppena oo wacdaro waali ah dhigaayo.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here