Vaishnav Tej filimkiisa kowaad lagu soo caan bixinaayo Uppena sidoo kalena ay ku wehliso Kirthy shetty halka Vijay Sethipathu laadar ka yahay ayaa ganacsi adag ka sameenayo Koonfur Hindiya waxaana u suura gashay mashruucan labadiisa maalmood ugu horeyso ku guuleesto wuxuuna haatan ku socdaa sidii uu HIT dhameestiran ku noqon lahaa.

Advertisement

Uppena oo filim Telugu jaceyl ah fariin ahaan maaliintiisa labaad si adag ayuu kaga gadmay dhul weynaha Telugu wuxuuna shalay ka keenay 9.75 Crore ayadoo saami ahaan laga helay 6.85 Crore. Filimka Uppena waxaa u suura gashay mudo labo maalmood ah dhul weynaha Telugu inuu kasoo xareeyo 23.71 Crore waxayna saami ahaan ka heleen qolyaha cajaladaha qeybiyaan 16.14 Crore.

Filimka Uppena ganacsigiisa suuqyada caalamka iyo gudaha Hindiya markii la isku daro wuxuu soo xareeyay 28.50 Crore sidoo kalena saamiga guud ee dibad iyo dal laga helay mudo labo maalmood ah waa 17.50 Crore. Waxaana xusid mudan in qolyaha cajaladaha qeybiyaan ku iibsadeen 20 Crore waana qasab inuu maanta lacagtaas soo celin doono kadibna macaash u bilaaban doono filimkan guuleestay.

Vaishnav Tej filimkiisa Uppena maanta oo Axad ah siweyn ayuu u gadmayaa wuxuu isku helay maalin shaqada laga nasanaayo iyo maalinta jaceylka aduunka oo isku soo beegmeen sidaa darteed filimkan jaceylka ah siweyn ayay dhalinyarada maanta u daawanayaan waana hubaal ganacsi lixaad leh inuu sameyn doono waxayna u badan tahay 25 Crore saami ah inay qolyaha cajaladaha qeybiyaan ka heli doonaan sedexda maalmood ugu horeyso sidaasna Super Hit ku noqon doono madaama 20 Crore ay ku iibsadeen.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here