Ugu dambeyntii filimka la wada sugaayo Mosagallu ayaa si rasmi ah shaaca looga qaaday waqtiga la daawan doono ayadoo mashruucan Telugu iyo Hollywood ahaan loo sameeyay markii hore sidoo kalena luqadaha Hindi, Tami, Malayalam, Kannada, Telugu iyo Af Ingiriis ayaa lagu daawan doonaa waxaana hogaamiyaal ka ah Vishnu Manchu, Kajal Aggarwal iyo Suniel Shetty.

Advertisement

Kooxda filimka Mosagallu ayaa shaaca ka qaadeen in filimkan la daawan doono 19-ka Maarso 2021 ama bisha dambe ee nagu soo fool leh waana filim xiiso badan oo ka hadlaayo xatooyada xeeladeesan dhanka IT-ga lagu sameeyo waxayna Vishnu Manchu iyo Kajal Aggarwal ku jilayaan filimkan labo walaalo ah oo tuugo caalami ah gacana lagu soo dhigi karin.

Balse Suniel Shetty ayaa u taagan qabashada labadan iyo tuugada kale la shaqeyso asigoo ogaanayo dhaca ay geestaan sidoo kalena waxay isla shaqeyn doonaan FBI-da Mareekanka madaama lacagaha la dhacaayo Mareekanka iska leeyihiin waxaana filimkan Director ka ah Jeffrey Chin oo aflaan Hollywood ah horey u sameeyay.

Vishnu Manchu filimkan isaga ayaa soo saare ka ah wuxuuna sheegay in mashruucan si caalami ah loo sameeyay hubaal ahaana daawadayaasha ka heli doonaan bisha dambe markii tiyaatarada la saaro ayadoo markii hore Mosagallu qorshaha ahaa in sanadkii hore la daawado qeybihiisa dambe balse saameynta karoonaha ayaa dib u dhigtay daawashada filimkan.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here