Ugu dambeyntii waxaa si rasmi ah shaaca looga qaaday filimka weyn ee Malayalam-ka ah Drishyam 2 waqtiga la daawan doono sidoo kalena waxaa laga soo bandhigay goos goos cajiib badan balse filimkan tiyaatarada lama saari doono ee si Online ahaan barta Amazon Prime Video ayaa looga daawan doonaa madaama kooxda mashruucan iska leh lacag adag la siiyay.

Advertisement

Drishyam 2 waxaa hogaamiye ka ah Superstar Mohanlal waxaana la daawan doonaa 19-ka bishan Febraayo sida Amazon shaaca ka qaaday waxaana laga soo bandhigay goos goos saameyn leh oo lagu muujiyay markale Mohanlal inuu sharafka qoyskiisa difaaci doono ama ilaalin doono.

Drishyam 2 wuxuu ka hadlaa Georgekutty (Mohanlal) iyo qoyskiisa oo noloshii hore iyo dhibkii hore ka baxeen horeyna u socdeen markaana wuxuu leeyahay tiyaatar wuxuuna rabaa inuu filim maal galiyo balse xaaskiisa Rani (Meena) ayaa kasoo horjeedo fikradiisa waxay rabtaa lacagta uu haayo in gabadhooda nin wanaagsan ugu raadiyaan kadibna u guuriyaan. Laakiin caqabad kale ayaa qoyskan kusoo baxeyso oo la xariirto qaybtii hore filimkan in wiilka ay gabadhooda dishay kiiskiisa dib loo soo celinaayo lana dhahaayo saaxiibo ayay ahaayeen iyadana shir qooshay kadibna qoyskan fadeexo iyo baaris cusub ayaa lagu bilaabaa waxaana loo daawan doonaa sida Mohanlal markale qoyskiisa u difaaci doono.

Filimka Drishyam 2 qaybtiisii kowaad Drishyam waxaa la daawaday sanadii 2003 wuxuuna Blockbuster ayadoo abaal marinta National Film Awards lagu qaatay kadib filimkan hirgalay asigoo Tamil ah Drishy 2014 aya la sameeyay halka asigoo Kannada ah la sameeyay Drushyam isla 2014 halka asigoo Telugu ah Papanasam la sameeyay 2015 sidoo kalena asigoo Hindi ah Ajay Devgn ayaa sameeyay Drishyam 2015 sidoo kalena asigoo Chinese ah xitaa waa la sameeyay Sheep Without a Shepherd (2019) waana filim caalami ah oo haatan qaybtiisa labaad la wada sugaayo. Fadlan hoos ka daawo goos gooska mashruucan adigaaba ka heli doontid:

[embedded content]

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here