Inaba caadi ma ahan goos gooska laga soo bandhigay filimka cabsida iyo shactirada isku jiro fariin haaan Roohi oo ay hogaamiyaal ka yihiin Rajkummar Rao, Janhvi Kapoor iyo Varun Sharma sidoo kalena waxaa lagu dhawaaqay xiliga rasmiga ah ee mashruucan la daawan doono asigoo noqonaayo sanadkan filimka ugu horeeyo ee mashruuc weyn ah Bollywood-ka iska leeyihiin tiyaatarada laga daawan doono.

Advertisement

Roohi waxaa la xaqiijiyay in tiyaatarada la saari doono 11 Maarso 2021 ama hal bil kadib waxaana laga wada helay goos gooska cabsida iyo shactirada miiran laga soo bandhigay si gaar ah Janhvi Kapoor wajiga cabsida badan oo ay shaashada kusoo gashay madaama ay ku jileyso gabbar sixireey ah oo af duubato aroos walbo habeenkiisa ugu horeeyo halka Rajkummar Rao iyo Varun Sharma rabaan caruus walbo inay bad baadiyaan.

Filimka Roohi waxaa Director ka ah Hardik Mehta oo horey u sameeyay filimka fariintiisa la amaanay Kaamyaab 2018 la daawaday sidoo kalena wuxuu qoray sheekada filimka Trapped ee sanadii 2016 Rajkummar Rao sameeyay waxaana lagu kalsoon yahay in daawadayaasha ka heli doonaan filimkan cabsida badan oo weliba qaab shactiro ah cabsida ama Horror-ka loo dhigay.

Filimka Roohi oo ay maal galisay shirkada Maddock Films lana daawan doono 11 Maarso 2021 fadlan goos gooskiisa hoos ka daawo waa hubaal inaad ka heli doontid ayadoo mudo bil kadib tiyaatarada la saari doono filimkan xiisaha badan:

[embedded content]

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here