Daafaca dhexe ee Manchester United Axel Tuanzebe ayaa qarka u saaran inuu amaah ugu biiro Napoli .

24-sano jirkaan ayaa qarka u saaran inuu ku biiro kooxda Serie A ilaa dhamaadka ololahan.

Tuanzebe, oo si dhib yar uga soo muuqday Red Devils xilli ciyaareedkan, ayaa soo gabagabeeyay tijaabada caafimaadka.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Sida laga soo xigtay Manchester Evening News , Napoli ayaa kaliya sugaya warka fiisihiisa ka hor inta aysan ku dhawaaqin saxiixa.

Khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in United ay heli doonto £500,000 oo amaah ah iyo 500,000 oo dheeri ah oo gunno ah heshiiskan.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan