Superstar-ka awooda badan ee laga dambeeyo Nandamuri Balakrishna ee adeer u ah Jr. NTR ayaa ku dhawaaqay filimkiisa xiga ee Action-ka ah sida weyn loo wada sugaayo balse aanan magac loo bixinin in la daawan doono 28 May 2021 waxaana Director ka ah Boyapati Sreenu.

Advertisement

Tani waxay ka dhigan tahay in Balakrishna uu qaatay go’aan ah inuu tiyaatarada kula hardamo Superstar Ravi Teja oo isagana 24-saac ka hor ku dhawaaqay filimkiisa Khiladi in la daawan doono 28-ka May 2021 ama xagaaga nagu soo fool leh.

Shabakadaha reer Telugu ayaa siweyn u hadal hayaan isku dhaca Balakrishna iyo Ravi Teja balse waxay u badan tahay labada koox ee filimadan iska leh inay wada hadli doonaan inkastoo kooxda filimka Khiladi ka xumaadeen go’aanka ay qaateen Director Boyapati Sreenu iyo Balakrishna madaama ay ku dhawaaqeen in filimkooda la daawanayo 28 May xili ay ogaayeen in taariikhdaas Ravi Teja horey u doortay.

Director Boyapati Sreenu wuxuu Balakrishna horey ugu sameeyay labadii filim ee Big Hits-ka noqdeen Simha iyo Legend waxaana laga filanaa wada shaqeyntooda sedexaad wax weyn madaama mashruucooda cusub si madadaalo ku dheehan fariin ahaan u dhigeen waxaana ku jiraan labada atirisho ee kala ah Pragya Jaiswal iyo Poorna ayadoo Balakrishna mashruucan labo door awood badan ku jilaayo.

Ravi Teja isagana filimkiisa Khiladi labo door ayuu ku jilaa sidaa darteed waxaa siweyn loo hadal hayaa isku dhaca labadan halyee inkastoo ay u badan tahay in midkood tanaasuli doono marka la gaaro 28-ka May 2021 haddii Alle idmo waana idinla wadaagi doonaa wax walbo oo sheekadan kasoo kordho.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here