Marnaba ma hilmaami doono sanadii 2019 Ayushmann Khurrana iyo Director Anubav Sinha filimkoodii Article 15 ee HIT-ka noqday sidoo kalena fariintiisa laga wada helay waxayna labadan ku qaateen mashruucan sameyntiisa abaal marino kala duwan sidoo kalena waxay balan qaadeen markale inay dib u wada shaqeyn doonaan.

Advertisement

Sidaa darteed Ayushmann Khurrana iyo filim sameeyihiisa Anubav Sinha waxay si rasmi ah maanta duubis ugu bilaabeen mashruucooda labaad ee lagu magacaabo Anek waana filim fariin waaqici ah xambaarsan ayadoo markii ugu horeesay Ayush filimkan ku jili doono sirdoon ama basaas mana ahan door looga bartay.

Filimka Anek waxaa soo saarayaal ka ah Bhushan Kumar iyo Anubhav Sinha waxayna duubistiisa socon dontaa ilaa bartamaha bisha Maarso ee nagu soo fool leh qorshahana wuxuu yahay mashruucan in la daawado xagaaga nagu soo fool leh gaar ahaan bilaha June ama July sida kooxda filimkan laga soo xigtay.

Ayushmann Khurrana sida uu baraha bulshada shaaca kaga qaaday filimka Anek wuxuu ku jilaa Joshua wuxuuna isku sameeyay isbadal muuqaal ahaan si uu doorkiisa kaga run sheego waxayna haatan duubista filimkan ka socotaa Waqooyi Bari Hindiya duleedkiisa waana filim kale oo xiiso badan laguna kalsoon yahay in xidigan tiyaatarada Hindiya ku qabsan doono xagaaga nagu soo fool leh marka uu soo baxo ayadoo dhawaan shaaca laga qaadi doono jilaayaasha kale ee filimkan doorar muhiim ah ku yeelan doonaan.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here