Leeds United ayaa lagu soo waramayaa inay meesha ka saartay iibinta Raphinha ee Janaayo , waxayna qorsheyneysaa inay wadahadalo la gasho ciyaaryahanka garabka ka ciyaara si ay heshiis cusub uga saxiixdo, inkastoo ay xiiseynayaan kooxo badan oo caan ah oo Yurub ah.

25-sano jirkaan ayaa bandhig wanaagsan ka sameeyay kooxda xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay sideed gool 17 kulan oo uu saftay Premier League.

Kooxda Jurgen Klopp ee Liverpool iyo kooxda ku guulaysatay Bundesliga ee Bayern Munich ayaa ah laba kooxood oo si xoogan loola xiriirinayo Raphinha, halka Manchester United , Manchester City iyo Chelsea ay sidoo kale xiiso u qabaan.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Si kastaba ha ahaatee, The Mirror ayaa warineysa in Leeds ay dooneyso inay xiddiga reer Brazil ku abaal mariso qandaraas cusub oo horumarsan, iyadoo qandaraaskiisa haatan uu dhacayo June 2024.

Raphinha ayaa dhaliyay 14 gool waxaana uu caawiyay 10 gool 48 kulan oo uu u saftay Leeds tartamada oo dhan tan iyo markii uu kooxda kaga soo biiray Rennes xagaagii 2020.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan