Tababaraha kooxda Manchester United Ralf Rangnick ayaa xaqiijiyay inuu diiday dalabka suuqa kala iibsiga ee uga yimid Dean Henderson.

Goolhayaha reer England ayaa ku qasbanaaday in uu u noqdo dooqa labaad ee David De Gea xilli ciyaareedkan.

Henderson ayaa ku riixay inuu amaah ku baxo bishaan, laakiin Rangnick wuxuu doonayaa inuu ku biiro safka Old Trafford.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

“Laba todobaad ka hor waxa uu i waydiiyay [in uu bixi karo] laakiin waxa aan u sheegay in aan doorbidi lahaa in uu sii joogo ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan”ayuu Rangnick u sheegay talkSPORT.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay goolhayayaashayada laakiin hadii ay aniga igu xirantahay ma doonayo in uu baxo”.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan