Kooxda reer Scotland ee Rangers ayaa lagu soo waramayaa inay qarka u saaran tahay inay amaah kula soo wareegto garabka Manchester United Amad Diallo ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

19-sano jirkaan ayaa la filayaa inuu ka tago Old Trafford ka hor maalinta Isniinta ee soo socota 11-ka habeenimo.

Sida uu sheegay wariye  Fabrizio Romano , Rangers ayaa heshiis la gaartay kooxda ka dhisan Premier League si ay Diallo ugu saxiixdo heshiis amaah lix bilood ah, laakiin ma jirto wax ikhtiyaar ah oo lagu iibsado.

Romano ayaa sidoo kale sheegay in tababaraha ku meel gaadhka ah ee United Ralf Rangnick uu ogolaaday in la iibiyo, kaasoo lagu wado in lasoo gaba gabeeyo saacadaha soo socda.

Rangers ayaa qarka u saaran inay ku garaacdo saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Ivory Coast kooxo badan oo ay ku jirto Feyenoord ayaa raadinaya, kaasoo loo arki karo bedelka tooska ah ee Ianis Hagi , kaasoo dhaawac jilibka ah uu garoomada kaga maqnaan doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan .

Diallo ayaa kaliya sagaal jeer u saftay kooxda waa weyn ee United tartamada oo dhan tan iyo markii uu 27 milyan ginni kaga yimid Atalanta bishii Janaayo ee sanadkii hore.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan