Sida ku xusan warbixinnadii ugu dambeeyay, Bobby Deol ayaa lagu arki doonaa mashruuca balaaran ee kuwada midoobeen Anilkapoor iyo Ranbir kadib Race 3 iyo Aashram . In kasta oo Bobby Deol inta badan lagu arki jiray dhawaanahaan doorka aktar caawiyaha , haddana, wuxuu sidoo kale, diyaar u yahay inuu ballaariyo aragtidiisa isla markaana uu wacdaro ka dhigo taageerayaasha hortooda.

Ranbir Kapoor ayaa dhawaan xaqiijiyay inuu qeyb ka yahay filimka uu agaasimayo Sandeep Reddy Vanga. Tani waa warka ugu hadal heenta badnaa 24kii saac ee lasoo dhaafay iyadoo aqbaaraad kala duwan ee kasoo baxayeen

Ranbir waxaa ugu dambeysay film sanadkii 2018 wuxuuna ka shaqeynayay Brahmastra ilaa waqtigaas. Haatan, jilaaga wuxuu heystaa dhowr filim oo kale oo uu ku duubi doono waqti kooban.isagoo shaqa kawada filmka aan magaca loobixin wali ee Luv Ranjan.

In kasta oo mashruuca la sheegayo in lagu dhawaaqi doono 12.01 AM bisha January 1,2021, jilaayaasha filimka ayaa ilaa iyo hadda u muuqda kuwo aad u adag. Ma jiro faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan doorka Bobby Deol ee filimka, laakiin waxaa la filayaa inuu yahay doorweyn.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here