Tababaraha ku meel gaadhka ah ee Manchester United Ralf Rangnick ayaa shaaca ka qaaday in labada Aaron Wan-Bissaka iyo Nemanja Matic uu shaki ku jiro kulanka sabtida ee Premier League ee ay la ciyaarayaan Norwich City .

Wan-Bissaka ayaa dhaawac soo gaaray qaybihii dambe ee kulankiii 1-1 ay la galeen Young Boys ee Champions League waxana uu la dhibtoonaya arin jilibka ah.

Dhanka kale, Matic, ayaa la tacaalaya xanuun ka hor kulanka Carrow Road, Rangnick ayaa sheegay in labada ciyaaryahan ay shaki ku jiraan inay u tartamaan kulanka horyaalka.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Paul Pogba , Raphael Varane , Edinson Cavani iyo Anthony Martial ayaa sidoo kale la filayaa inay maqnaan doonaan usbuucan, wakiilka dambe ayaa sheegay inuu doonayo inuu kooxda ka tago Janaayo.

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda


Source: dalkaan