Tababaraha ku meel gaarka ah ee Manchester United Ralf Rangnick ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo Anthony Martial ,Edinson Cavani iyoPaul Pogba inay ka tagaan Old Trafford ka hor dhamaadka bishaan.

Martial ayaa durba muujiyay rabitaankiisa ah inuu baxo inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga bisha Janaayo, xiddiga heerka caalami ee dalka France uma badna inuu kooxda joogo marka uu dhamaado waqtiga kama dambaysta ah.

Rangnick ayaa dhawaan amaanay Cavani iyo Pogba, isagoo ku adkeystay in labada ciyaaryahan ay door muhiim ah ku leeyihiin qeybta labaad ee xilli ciyaareedka inkastoo uu qandaraaskiisu dhacayo xagaagan.

Si kastaba ha ahaatee, sida laga soo xigtay Bild , tababaraha ku meel gaadhka ah ee kooxda ayaa haatan raadinaya Cavani iyo Pogba inay baxaan.

Warbixinta ayaa sheegaysa in saameynta Pogba ee kooxda ay walaac ku tahay Rangnick, iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe uu u muuqdo mid isku diyaarinaya inuu beeca xorta ah uga tago kooxda xagaagan.

Jesse Lingard iyo Donny van de Beek ayaa sidoo kale si xoogan loola xiriirinayay inay ka tagayaan 20-ka kulan ee horyaalka Ingariiska bishaan, iyadoo labada ciyaaryahan ay ku dhibtoonayeen inay ciyaaraan qeybtii hore ee ololaha.

Wararka Kale ee Xiisaha Badan

Fadlan Tuko Salaada Hadii la Gaaray Waqtigeeda

Ciyaaro.com Riix Halkan Ku Laabo Qeybta Hore


Source: dalkaan