Muqdisho (Dalkaan.com) – Madaxweynihii hore ee HirShabelle, Mudane Cali Cabdullahi Cosoble oo qormo dheer ka qoray xaaladda maamulka HirShabelle ayaa talo muhiim ah u diray beesha uu ka soo jeeda ee Xawaadle & guud ahaan reer Beledweyne.

Talo ku socota tolkey Xawaadle

Advertisement

Runtii maanan jecleyn inaan Facebook idinkala soo hadlo, balse sida keliya ee aan hadalkeyga idinku soo gaarsiin karo dal iyo dibad ayaa sidan ah.

Walaalayaal,

waxaad muujiseen ineydaan ku qanacsaneyn qaab dhismeedka asalka ah ee Hirshabeelle, cabashadiinana cid walba wey gaartay, Soomaalina wexey maanta marqaati ka tahay inaan Baladweyne laga sameyn karin wax eydaan oggoleyn.

Balse waxa iga hadalsiinaya ayaa ah ineydaan ceeboobin.

Inta aanan hoos ugu daadegin ujeeddada qoraalkeyga waxaan rabaa inaan idin xusuusiyo qiso dhab ah oo dhacday oo uu Hawiye ku ceeboobay sannadkii 1991, markii la riday dowladdii Kacaanka, Jabhaddii USC-na ay la wareegtay gacan ku heynta Muqdisho.

Allah u naxariistee adeerkey Xuseen Kulmiye Afrax ayaa mar uu M S Barre maalmo ka sii maqan yahay Muqdisho soo raadiyay odayaashii hoggaanka u hayay jabhadda oo ku shiri jiray Hotel Towfiiq. Markuu soo galay halkii ay ku shirayeen ayey osayaashii istaageen oo marxabbeeyeen odey Kulmiye ayagoo weliba si muxubbo leh u gacan qaadaya. Kursi ayaa markiiba lagu soo dhaweeyay, balse asagoo weli taagan ayuu odayaashii ku yiri “ma i taqaanaan”, dabcan wuu ogaa iney yaqaanaan balse ujeedduu ka lahaa. Wexey ugu jawaabwen “haa, waxaad tahay Xuseen Kulmiye, madaxweyne ku xigeenkii dalka. Wuxuu ku yiri adinka USC ah muxuu ahaa muraadkiina? Wexey ku jawaabeen inaan regime kii Barre xukunka ka ridno, dowlad dimuqradi ahna dhisanno. Markaa ayuu ku yiri ma waxaad moog tihiin inaan M S Barre iyo aniga afgembiga wada saneynay 21 Octobar 1969kii? Mase waxaad moog tihiin inaan 21kii sano wada soconnay oo aan madaxweyne ku xigeen ka ahaa dalka? Markaasey ku jawaabeen “waa runtaa”. Wuxuu ugu dambeyntii ku yiri “ inuu Maxamed Siyaad Xamar ka tago, aniga oo saaxiibkii ahaa, ku xigeenkiisii ahaa, 21kii sanana la socday aanan Xamar ka bixin oo aan weliba aniga idiin imaado dowladnimo kuma dhalineysaan. M Siyaad hadduu idinka baxsaday anigaa joogay, wexey aheyd inaad i soo xirtaan, subaxaa ayuuna halgankiina macne sameyn lahaa, laakin dad dowladnimo ka shaqeynaya ma eydaan noqon ee waxaad noqoteen qabiil careysan.

Sheekadaa mid la mid ah ayaa maanta ka socota Beledweyne iyo Xawaadle, waana ceebta aan idiin diidanahay.

Beledweyne waxaa jooga madaxdii Hirshabeelle intoodii badneyd. Waxaa Baladweyne ku sugan madaxweyne ku xigeenkii Hirshabeelle, guddoomiyihii baarlamaanka Hirshabeelle, Guddoomiye ku xigeenkii koowaad ee baarlamaanka Hirshabe, taliyihii booliska Hirshabeelle iyo xildhibaanno. Inta Jowhar ku hartayna wey idiin soo socdaan, marka laga reebo Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Haddaad Hirshabeelle diidan tihiin, qof huwan shaar Hirshabeelle inuu idiin yimaado ma aheyn. Sidey wax u dhacayaan sow uma eka siduu sheegay Xuseen Kulmiye (AUN) 1991kii?

Sow idiinma muuqato inuu qaladan yahay xeerka idiin dhigan ee u oggol Dabageed, Luqman, Siraji, Xasan Dhicisow, Xildhibaannada baarlamaanka Hirshabeelle iney yimaadaan Baladweyne balse aan oggoleyn Cali Guudlaawe inuu yimaado? Xagee lagu arkay ilmo la rabo oo aabahoodna la diidaa?

Ma wexeydaan ogeyn hadduu Cali Guudlaawe diidi lahaa inuu Hirshabeelle madaxweyne ka noqdo, qolada buurta saaran iney la imaan lahaayeen nin kale oo asaga ku heyb ah oo kursiga raba.

Midda kale, Xawaadlow sow ceeb ma aha aha inaad tiraahdaan nooma imaan karo Cali Guudlaawe ayadoo ay Soomaali oo idil marqaati ka tahay inuu ku xigeen u ahaa laba madaxweyne oo Xawaadle ah?

Intaad diidi laheydeen nin dhallinyaro ah oo walaalkiin ah oo aan abidkiis wax idiin dhimin,  sow kama sharaf iyo qurux badna inaad u yeerataan oo aad weliba adinka casuntaan, oo aad si miyir leh ula shirtaan, oo aad fahamsiisaan caqabadaha iyo waxa qaldan ee u baahan in la saxo. Sow sidaa ma aheyn dhaqanka lagu yaqaan qabaa’ilka waaweyn ee isku kalsoon?

Tolow yeynaan u dhaqmin sida reer yar oo aan wada xaajood geli karin. Yeynaan ka diidin Cali Guudlaawe, aan soo dhaweysanno oo waan yeelan karnaaye aan yeelanno, lana ballanno.

Codsi walaal waxa ugu horreeya ee madaxaaga ku soo dhaca ha soo qorin laakin adoo wax ka eegaya dhanka wanaagga, anaaba huba fikirka ma qaldanee adigana caqligaaga wanaagsan nagu soo kaab.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here