Facebook

Advertisement

Nairobi (Dalkaan.com) – Guddoomiyaha Madasha Pan African David Matsanga ayaa u gudbiyey xogahaya guud ee Qaramada Midoobay qoraal xasaasi ah oo la xiriira dacwadda badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ee hortaalla maxkamadda ICJ.

David Matsanga ayaa ka dalbaday António Guterres inuu u hor-istaago go’aanka maxkamadda cadaaladda ICJ ee dhagysiga dacwadda badda ee labada dal.

Guddoomiyaha Madasha Pan African ayaa sidoo kale ugu baaqay xoghayaha Qaramada Midoobay inuu dhexda u xirto sidii uu u baajin lahaa dhageysiga dacwaddaasi.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay habboon tahay in dib loo dhigo dacwadda ka furan ICJ, si looga fogaado wax kasta oo sababi kara inay kasii daraan qalalaasaha & xiisadda siyaasadeed ee haatan ka jira dalalka dhaca Geeska Afrika.

“Mudane Xoghaye guud waxa aan aaminsanahay marwaliba go’aanka sharciga ah ee muranka xuduud badeedda, balse waa u dagaal & isku dhaca geeska waxaana weli taagan Colaadda Soomaaliya,” ayuu yiri Mr Matsanga.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo Kenya ku guul darreysatay dalabkeedii ahaa in dib loogu dhigo dhageysiga kiiska badda, iyada oo ay ku gacan seertay maxkamadda ICJ.

Kenya ayaa haatan wada dadaallo xoogan oo ay ku dooneyso in dib loogu dhigo dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya, iyada dhinac kasta ka tuseysa QM.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here