Dhuusamareeb (Dalkaan.com) – Taliye ku-xigeenkii hore hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Cabdisalaam Yuusuf Guuleed ayaa ku eedeeyay madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) inuu ku fashilmay sugidda amniga dowlad goboleedka Galmudug.

Taliye ku xigeenkii hore oo hadda aad u falanqeeya arrimaha amniga ayaa dhaleeceeyay Qoor Qoor kadib markii Al-Shabaab ay tiro madaafiic ah ku qalqal galiyeen magaalada Dhuusamareeb oo martigalineysa shirka wadatashiga doorashooyinka.

Advertisement

Bartiisa Facebook ayuu kusoo qoray qoraal uu kaga hadlayo fikirkiisa ku aadan sida uu Axmed Qoorqoor ugu fashilmay amniga maamulkiisa, wuxuuna sheegay iney nasiib darro weyn iyo ceeb ku tahay in magaalo madaxdii madaafiic ku da’eyso.

Cabdisalaam wuxuu sheegay in Qoorqoor ka hor ay dadka reer Galmudug heystaan amni wanaagsan, sidoo kalana uu madaxweynaha Galmudug wali isku heysto inuu yahay Wasiir Dowle ka tirsan Dowladda madaxweyne Farmaajo.

QORAALKA TALIYE KU XIGEENKII HORE NISA HALKAAN KA AKHRISO:

Madaxweyne Qoor Qoor, ha fahmo in uu ku fashilmay amnigii iyo dowladnimadii ay reer Galmudug iyo bulsha weynta Soomaaliyeed ka sugayeen.

Waa nasiib daro weyn iyo ceeb in magaalo madaxdii Galmudug madaafiic Alshabab ku da’ayso. Amnigu Wuxuu ahaa waxa keliya ee Dadka reer Galmudug haysteen.

Horay baan u sheegay in madaxweyne QoorQoor weli aaminsan in uu yahay Wasiiru dowlo ka tirsan xukuumada federal ka ee madaxweyne Farmaajo.

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here