Facebook

Advertisement

Dhuusamareeb (Dalkaan.com) – Madaxweynaha maamulka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa ka laabtay go’aankiisii ku aadanaa guddiyada doorashada, gaar ahaan kan Galmudug oo uu horey uga reebay xubnihii la xareeyey.

Guddiga doorashada ee heer dowlad goboleed ee Galmudug oo ka mid ah xubnaha sida aadka ah loogu dhagan yahay ayaa saaka oo Arbaco ah la xareeyey, iyaga oo ku biiray tababarka u socda guddiyada ay soo magacaaben maamulada HirShabelle & K/Galbeed.

Xubnahan guddiyadan oo ka shaqeyn doono doorashooyinka xildhibaanada labada aqal ayaa tababar wuxuu uga furmay hotelka Peace ee garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Madaxweyne Qoor Qoor oo muddooyinkii la soo dhaafay waday dhex-dhexaadin ku aadan arrimaha doorashada ayaa horey u dalbaday in muddo kooban dib loogu dhigo xareynta guddiga doorashada ee maamulkiisa, maadaama weli uu ka taagan yahay muran xoogan.

Si kastaba guddiyada la xareeyay ayaa kala ah guddiyadii ay soo magacaabeen dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, HirShabelle, Galmudug iyo min saddex xubnood oo xukuumaddu ay ku dartay guddiyada doorashada heer dowlad goboleed ee dalka.

Arrintan ayaa sidoo kale ku soo beegmeysa, iyadoo weli dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland aysan soo magacaabin xubnihii ku meteli lahaa guddiyada doorashada ee dowlad goboleedyadooda, taas oo uga sii dareysa khilaafka ka taagan doorashooyinka dalka.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here