Dastuurka waa heshiiska nidaaminayo xariirka dowladda iyo muwaadinka iyo Hay’adaha dowladda dhex-dooda, waxuuna nidaaminayaa Hay’ado lasoo doorto sida Hay’adda Madaxwayanaha “Hay’ad hal qof ah” Baarlamaanka iyo Hay’adaha la magacaabo oo leh habraac gaar ah sida Xukuumadda iyo Garsoorka iyo Guddiyada kale.

Awoodaha Dastuuriga ah ee Hay’dahaas waxay ku xiranyihiin isticmaalkooda waqtiga uu Dastuurka u xaddidey oo ah Afar sano Madaxwaynaha iyo Baarlamaanka “DKG 60, 91″ iyo habraaca ay ku dhamaadaan xilka kuwa kale sida xukuumadda ay ku dhamaato “DKMG 97/ faqrada 4-aad”.

Waxii intaas kasoo haray ma aha gudasho shaqo ee waa cadayn maqaam qaanuuneed “ legal status” sida Xukuumadda xil-gaarsiinta, joogista Xafiiska ee Baarlamaanka iyo Madaxwaynaha “ DKMG 103, wax-kbadal Dastuurka L. 20, 2016, l.30/2020”.

Intaas markaan ifin guud uga soo baxo waxaan rabaa in aan idinla wadaago dhawr qodob oo kamid ah kuwa Dastuurka ku cad balse fahankooda si khaldan ugu baahay Bulashada iyo Madaxda in aan idinla wadaago ujeedkooda, si aan loogu wareerin wax aan jirin, waxaana ka mid ah:

1.Madaxwaynaha waa Astaanta Qaranka:

Madaxwaynaha ma aha astaanta Qaranka, astaanta Qaranka waxay ku cadahay Lifaaqa Dastuurka, Jadwalka koowaad, Xarafka “B” balse sida saxda ah waa in Madaxwayanaha yahay astaanta midnimad Qaranka sida ku cad DKM Q. 87-aad, faqrada koowaad, xarafka “B”, waana labo arin oo aad u kala duwan astaanta qaranka iyo matalaada midnimada Qaranka.

2. Madaxwaynaha waa Taliyaha guud ee Ciidamada:

Madaxwaynaha ma aha Taliyaha guud ee Ciidamada, mana jiro xilkaas. Qodobka 90-aad, faqradiisa “B” ayaa sheegayso in Madaxwaynaha yahay Taliyaha Ciidamada Qalabka sida, waxaana loola jeeda Ciidamada Milatariga ah. Ciidamada kala duwan Milatari, Boolis, Nabad-sugid, Asluub waxaa la isku dhahaa Ciidamada Amniga, waxayna kala qabtaan shaqooyinka lagu kala qeexay Q. 126-aad ee Dastuurka.

Ciidamada Qalabka sida shaqadooda waa ilaalinta gobnimada, madaxbaanida dalka iyo midnimada dhuleed, waxayna hoostagaan Madaxwaynaha Jamhuuriyadda. Faqrada 3-aad ee Q.126-aad ee Dastuurka ayaa fasireyso Q. 90-aad/ B ee Dastuurka.

Sidaas darteed Madaxwaynaha waa Taliyaha Ciidamada qalabka sida “Commander in chief of the armed forces” sida ay fasireyso 126/3-aad ee Dastuurka ee ma aha Taliyaha Ciidamada Amniga “Commander in chief of National security agencies”.

Arintaas waa mid ka duwan marxaladdii Milatariga oo uu Madaxwaynaha Ciidamada dhan uu xukumayey maadaama nidaamka xilligaas jirey uu ahaa Nidaam Madaxwayne “Presidentional sytem “ uu ka duwanyahay nidaamka Siyaasadeed ee hadda Barlamaani ama Mixed hadba doodii la qaato balse waxay waafaqsantahay Nidaamkii rayidka ee Q. 75-aad ee Dastuurkii 1960-kii.

3. Awoodda fulinta waxaa iska leh Ra’iisul-wasaaraha.

Awoodda fulinta maleh ra’iisul-wasaaraha ee waxaa iska leh Xukuumadda “Golaha Wasiirada” isgana waa xubin kamid ah Golaha oo shir-gudoomiya, waxayna si toos ah ugu cadahay Q.97-aad ee Dastuurka.

Shaqada golaha waxay ku cadahay Q. 99-aad ee Dastuurka, xil-qaadista iyo magacaabista saraakiisha sar-sare iyada ayey ku jirtaa “DGM, Q. 99-aad, Xaraf.G”, waxayna u gutaan shaqadooda si masuuliyad wadareed ah “” Cabinet collective responsibility”.

Ra’iisul-wasaaraha waxuu gaar u leyahay Magacaabidda, xil-qaadida Wasiirada, horgaynta golaha Shacabka ee kalsooni helida “Q.DKMG Q.100-aad” heerka ay la egtahay isticmaalka awoodaas iyo Maamulka Xafiiskiisa waxaa lagu xaddidaa Xeerka Xukuumadda
“Government organisation act” , mana shaqeeyo hadda.

4. Xukuumadda Xil-gaarinta/ ra’iisul-wasaaraha ayaa leh waxii shaqo kasta xilliga kala-guurka.

Xukuumadda Xil-gaarsiinta “Care taker government” waxay salka ku haysaa mabd’da Maamul ee istaagid la’aanta sbaqada guud “the principle of continuity of public services” oo u jedkiisa yahay in aysan istaagin shaqada guud daruuf iyo xaalad kasta.

Xukuumadda xil-gaarsiinta waa Hay’ad uu dhamaaday muddo xileedkeeda, walina aan la badalin waxaa shaqadeeda hagayo Q.103 ee Dastuurka ku meel-gaarka ah, waxuuna sheegayaa Shaqada caadiga ah ee maalinla ah bas ah “routine duites/ actes de gestion” waana shaqada maamulka ama mid ku xusan Road map lagu heshiiyey in doorasho lagu galo sida Heshiiska 17 september fulintiisa.

Ma jirto meel Dastuurka ama fiqhiga qaanuunka uu ku sheegayo in Xukuumad Xil-gaarsiin ay badali karto, baa’in karto, soo kordhin karto maqaam qaanuuneed ee qof ama Hayad “Actes de disposition”, waana fahan qaldan in sidaas loo fasiro qodobka 103-aad ee Dastuurka.

Xikmadda loo diidayo in Xukuumadda ay badasho maqaam qaanuuneed waxaa weyo in Hay’addii ku lahayd korjoogtaynta howlaha xukuumadda ee sharci-dajinta sida uu jideenayo “ DKMG “Q.69-aad faqradiisa 2-aad, xaraha /B,C” ay gashay doorasho uuna dhamaaday muddo xileedkeedii ku xusnaa “ DKMG 60-aad”.

Ugu dambayn, Qodobad Dastuurka ku cad ee sida khaldan fahankooda uu u baahay iskadaa kuwa uu Dastuurka uu ka gaabsadaye aad ayey u badanyihiin, waxayna u badanyihiin arimaha sharci-dajinta, intaan waxaan tusaale ugu soo qaatay waxaa badnaa hadal hayntooda waayadan.

Hay’adaha dowladda ee la doorto ama leh magacaabis habraac waxay awoodooda leeyihiin, kuna doodi karaan inta lagu jiro Muddada sharciga ah, haddii laga gudbo waxay leeyihiin maqaam sii joogid Xafiis un ee ma is ticmaali karaan awooda asalka ah.

F.G. Waa aragtidayda shaqsiga ah ee fahankayga Datuurka.

W/Q: Cali Sh. Aadan Yusuf “ Cali Somali”


Source: dalkaan.com