Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com)-Qorallo ka soo kala baxay xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya iyo dowladda Turkiga ayaa lagu soo dhaweeyey go’aankii ay maanta xildhibaanada golaha shacabka ku laaleen mudo kororsigii labada sano ahaa, isla markaana ay ku ogolaadeen in dib loogu noqdo heshiiskii 17-kii September.

Ugu horeyn qoraalka QM ayaa lagu yiri, “Qaramada Midoobey waxay soo dhaweyneysaa go’aanka Baarlamanka Federaalka dib ugu soo celiyey heshiiskii doorashada ee 17-kii Sebtember, kadib codsigii madaxweye. Waxaan ugu baaqaynaa hogaamiyaasha Soomaalida inay ku noqdaan wadahadalka oo ay diyaariyaan doorashooyinka, iyadoo aan dib loo dhigin, waxay kaloo QM soo dhaweynaysaa doorka doorashada hogaaminta ee ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.”

Sodoo kale qoraal kasoo baxay dowladda Turkiga ayaa lagu soo dhaweeyey go’aanka xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ay qaateen.

“Waxaan soo dhoweyneynaa go’aanka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya uu maanta (1-da Maajo) qaatay, kaas oo ayidsan yihiin in sida ugu dhaqsiyaha badan loo qabto doorashada iyadoo lagu saleynayo heshiiskii 17-kii Sebtember,” ayaa lagu yiri qoraalka Turkiga.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan rajeyneynaa in horumarkan uu u adeegi doono dib u bilaabida wadahadalada wax ku oolka ah ee daneeyayaasha siyaasada, dib u dhac la’aan iyo in la xaqiijiyo horumarka ku saleysan is afgaradka bulshada, iyadoo laga gudbayo khilaafaadka.”

Ugu dambeyntii dowladda Turkiga ayaa qoraalkan ku shaacisay in marxaladan adag ay ku garab taagantahay ‘dadka saaxiibtinimada iyo walaaltinimada leh ee Soomaaliyeed.’

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here