Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax goor dhow ka dhacay gudaha degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada meelaha fog fog laga hago ayaa ka dhacay agagaarka xarunta degmadaasi, waxaana ka dhashay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaasi lala beegsaday gaari uu la socday xoghahaya maamulka degmada Dayniile, Mahad Sharaawe, kaas oo bad-baaday qaraxa.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan labo qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo intaasi ka badan oo shacab ah.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo howl-gallo kooban ka sameeyey halkaasi.

Maalmihii dambe ayaa waxaa Muqdisho kusoo badanayey weerarada qaraxyada ah oo uu khasaaraha ugu badan kasoo gaaro dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here