Facebook

Advertisement

Muqdisho (Dalkaan.com) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax is-miidaamiin ahaa oo goor dhow ka dhacay wadada xiriirisa magaalooyinka Muqdisho & Afgooye, halkaas oo ay dhismo ka wadaan Injineero Turki ah iyo shaqaale kale.

Qaraxa oo uu fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa ayaa ka dhacay inta u dhexeysa Lafoole & Xaawo Cabdi, kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lala beegsaday Injineerada Turkiga ee dhismaha ka wada wadadaasi iyo ciidamada Booliiska Haramcad ee ku sugan wadadaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa Dalkaan.com u sheegay in ruuxa ay ka shakiyeen ciidamada ammaanka ayna ku fureen rasaas, balse uu qarxay marka ku soo dhowaaday.

Sidoo kale wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in ugu yaraan hal askari uu ku dhintay qaraxaasi, iyada oo uu dhaawac soo gaaray mid ka mid ah Injineerada Turkiga.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, iyada oo goobta ay gaareen ciidamo kale oo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Si kastaba ma’ahan markii ugu horreysay oo qarax lala eegto shaqaaladha iyo Injineerada dhismaha ka wada jidka isku xira magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye.

Facebook

Source: dalkaan.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here